Tani waa Sheekada
Maahir iyo Mushtaaq
Maahir waa wiil qurux badan dabeecad wanaagsna alle siiyay.
Maahir familykiisa waa family noloshooda dhexdhexad ah,maahir jaamacad ayuu dhigtaa waa qof dedaal badan ooo waxbarashada aad u jecel,intaa kadib jaamacada sanadkan doorasho ayaa ka dhacaysa waxaana la dooranaya gudoomiyaha ardayda jaamacada,waxaana isasoo sharxay arday badan lkn maahir marabin inuu isasoo sharxo balse saaxiibadiis ayaana ka codsadeen una sheegen ninka kaliya u qalmo in uu yahay ,maahir oo in badan diidmo muujiay ayaa ugu danbayn ogolaaday ardaya markay maqleen in maahir musharax u taagan xilka godoonimada ah aad bay u farxeen waxaana la qabtay doorsho in ardayda codeeyan codeen ka dib ,waxaana ku guulaystay maahir madama uu isaga ahaa qof jaamacada caan ka ah ardaydana ka caawiya dhanka iyo waxbarasha isagoo ardayda ku dhiirageliya inay dedaal farabadan muujiyan , sidaas buu ku noqday godoomiyaha ardayda ee jaamacada.
Waxaa aalada Facebook ka soo codsadeen arday farabadan friend request,halkas ayuuna saaxiibo badan ku helay,ku yeeshay.
Mushtaaq;waa ardayad dhigata jaamacada baratana( kuliyada caafimadka)mushtaaq waa gabar illaahey u dhaliyay qurux iyo xishood una sii dheertahay asturnaan iyo dabeecad wanaagsan ,waxeyna aheyd gabar laga jecel yahay xaafada oo dhan oo farxad badan dadka qaar ayaa ula kaftama in atariisho filimanta matasha u egtahay.
Waa gabar degen jecelna SHukulaato๐ซ kalinimada๐ง,xeebaha๐ฃ♀️,dalxiiska๐ filimada hororka ๐ผah iyo qurbaha ๐ maru`un inay tagto oo ku noolato.
Saaxiib khaas ah malahan waa kaligeed socod,qunyar socod.
maalin ayaa waxaa dhacday in Maahir uu post soo dhigo Facebook post kaftan ah,asxaab aad u farabadan ayaa comment ka bixiyen,waa halka ay isku barandonan Maahir iyi Mushtaaq.
Mushtaaq ayaana comment qosol badan ka soo bixisay oo cajiib ah asxaab fara bdan ayaana reply usoo galeen iyagoo u sheegay inay ku qosleen commentkeda.
Maahir oo akhrinaya commentiyada aya arkay mushtaaq qoraalkeda isagoo aad u qoslay ayuuna luuqa fariin ugu diray wuxuuna hadal ku bilaabay
Asm kaftanleyda ii waran commentkaaga aad ban ugu qoslay wlhi.
Hal maalin kadib baa loo soo jawaabay waxayna dhahday mhahsaid walaal.
Maahir: walaal
Mushtaaq: hee walaal
Maahir:ma is baran karnaa?
Mushtaaq: haa waynu is barankarnaa godoomiye
Maahir: iyo Mushtaaq halkaas ayay isku barteen.
Maahir iyo mushtaaq aad bay isu fahmeen,maahir ayaa su,aal waydiday Mushtaaq,wuxuna dhahay marwalba kaligaa ban ku arka ee saaxibo maledahay?
Mushtaaq ayana ku jawabtay inay leheyd saaxib lkn hada aysan lahayn wax saaxiibo ah.
Maahir ayana waydiiyay sababta.
mushtaaq ayana dhahday wax muhiim ah ma ahan ee iska dhaaf
maahir Hmmmm ๐ค aniga iyo adiga hadaan saaxibo noqono kawaran?
Mushtaaq ayana ku jawabtay in wiil iyo gabar saaxib noqon karin.
Maahir oo sabab aysan u noqon karin
mushtaq ayana ku jawabtay in aysan
qurux badnen in wiil iyo gabar saaxiibo noqdan.
Maahir ayana dhan walba ka soo maray siduu ugu dhaa dhicin lahaa inay saaxiban ugu danbayn wuu ku guulaystay way ka ogolaatay,maahir ayaana u balan qaaday saaxib iyo walaal inuu u noqon dono,wuxuna hadalka u raaciyay inay ku kalsoonato waxna aysan kala qarsan.
Kani waa hanad oo xumaano dhan u saaxib ah wuxuu ku noolyahay dalka mareekanka isagoo 14 jir ah ayaa dalka somalia laga waday,wuxu aad u xiiseyaa gabdhaha ku nolool somaliya,maalin isagoo Facebook ka raadinaya gabdho muqdisho joogan ayuu qeybta add friend isagoo dhaxwareega si kadis ah {Mushtaaq} ku arkay wuxuuna aad ula dhacay sawrka profileka saaran cabaar ayuu fiiray kadib profileka ayuu galay si uu u ogaado wax uun,nasiib daro Mushtaaq waxba masoo post gareyso sawrkeda kaliyaa profileka u saaran,durbadiiba wuu ku darsaday isagoo sugi la,goorta la aqbalaayo codsiga saaxibtinimo.
Dhanka kale Mushtaaq waxay darentay in maahir uu yahay wiil fiican dabeecad wanagsana leh intay saaxibada ahayena an ku arkin wax xumaan,xad gudub ah,Mushtaaq sanadkan ayaa jaamcada ugu danbeyso waxayna bilowday inay dadaal fara bdan muujiso iyadoo waqtigeeda badanaa ku bixisa wax akhris,maahir ayaa tabay u xiisay ka dibna wacay Mushtaaq .
Maahir" salam calykum
Mushtaaq" wa calykum salam
maahir"ii waran mxaa dhacay adigoo online ah kumaba arkee?
Mushtaaq"waan fiicanahay maahirow wax diyaaris baan galay .
Maahir"soo ma ogid marka aad diyaarineysid casharada in internetka kaa caawinkara wax badana ka faa,idaysid.
Mushtaaq"waan ogahay midas lkn inuu waqtiga iga lumiyo ayan didanahay lkn hada ayan soo galaa.
Maahir"mahadsanid in internetka soo gasho wax badan baad ka faa,idaysaa maanto dhan wax lama akhrin karee
Mushtaaq"adaa mudan maahir.
Mushtaaq",ayaa wax yar kadib soo gashay internetka iyadoo waxa ka cusub daawanaysa,fiirinaysa ayay waxay aragtay in dad daban ku soo darsaden Facebook,waxay bilowday inay aqbasho dhamaan dadka ku soo darsaday Facebook keeda
wax yar kadib fariin ayaa loo soo diray
Hanad"walaal laba isbuuc ka hor baan kugu soo darsaday,lkn wad igu adkeesay.
Mushtaaq"walaal labada asbuuc wan ka maqnaa.
Hanad"dhib malahan walaal see tahay muqdisho iiga waran wan u xiisee.
Mushtaaq"walaal alxm dhib majiro
Hanad"walaal waxan rabaa inan is barano.
Mushtaaq"so dhawow walaal.
Hanad"walaal wadankii baa u xiisay aniga marekanka ku nolohay .
Mushtaaq"mareekanka miyaad ku nooshay walaal.
Hanad"haa walaal .
Hanad"aniga wadanka qof iima joogo inan imaado waan jeclahay.
Mushtaaq"hadaad timaado,imaado qofku soo dhaweya ma waynesid.
Hanad"haa walaal lkn qof si khaas isoo dhawaya ayan jeclanlahaa.
Hanad"walaal sawrka profileka saaran ma adigaa?
Mushtaaq"haa walaal
Hanad"masha allah aad bad u qurux bdantahy.
Mushtaaq"mahadsannid walaal
Hanad"walaal video call ban kaa soo wacaya ee iga qabo.
Mushtaaq"maxaa dhacay walaal
Hanad"maya waxba caadi kaliya waxan rabay inaan hubiyo sawrka in ad adiga tahay
Mushtaaq" Qososhay hahahaha๐๐๐
Hanad" Qoslay isna hahahaha๐๐๐
Hanad"haye caadi ban ku so wacaya ee iga qabo talefanka.
Mushtaaq"haye walaal.
Halkaas ayay sheeko iyo kaftan ku galeen .
Mushtaaq"ayana tiri walaal macasalaama
Hanad"bye
hanad waxuu rabaa inuu o gaado swrka profileka saaran inay iyada tahay,hanad ayaa feker galay siduu ku kas banlahaa gabadhan,siday ugu kalsoonato inuu wax walba u samayo waxuna nafsadiisa ka balan qaday inuu sinama ugu haridonin.
================================
Hanad"siduu ku soo xero gelin lahaa ayuu bilabay, mudo bil ku dhawaad ah ayay ku qaadatay inuu fahansiyo hadafkiisana uu yahay wanaag iyo inay si qurux badan isu fahmaan,Mushtaaq ayaa soo dabacday,wuxuu ka codsaday inuu arko rabana video call ka soo waca,Mushtaaq ayana aqbashay
Waxay sheekada socotaba .
hanad ayana u sheegay inuu ka helay .
Mushtaaq"ya"
Hanad"haa aniga wan ku jeclaaday .
Mushtaaq"lkn aniga kuma jecli walaal.
Hanad"dhib malahan adigaa fursad uun isii aan kula sheekaysto.
Mushtaaq"hadan furadsad helo
Hanad" Loof u diray❤️๐
Mushtaaq"macasalama walaal
Hanad :wuxuu bilabay in haasaha qaraamiga ee jacalka ah inuu diro markasto isago darensinaya inuu jecelyahay, waa 2:00 habeenimo hanad ayaa fariin u diray,wuxuuna dhahay (waan ku jeclahay intaan ka badan ha i silcin){waxaan jeclahay cimrigayga inta ka dhiman inaan kula qaato ) hadalka wuxuu u raaciyay heeskii {zaynab laba dhagax}
Inaan laba nafoodoo
Isu nool aduunyada
Inan nahay waad ogsoontehee
❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️
Haddii aniga nuurkiyo
Layga jaro naruuradoo
Adna naafac beeshee
๐๐๐๐๐๐๐
Nabar aniga igu yaal
Adnaa naafo kugu lehe
๐๐๐๐๐๐๐
Sideed ii necbaataaaa!!!
Mushtaaq;aya soo dabacday dareentay in hanad markan jacaylka dhab ka ya hay,waxayna dhahday marlabaad soo dhawoow,aniga marka hore qof xun baan ku malayn jiray .hada inaad daacad tahay waan ogaaday jacaylkaaga waan aqbalay.
Hanad"rag xun way jiraan lkn anigu ragaas kama mid ihi .mahadaanid madama aad i aqbashay.
Sidaa ayayna sheekadoda ku socotay
Maanta waa maalinkii koobad ee difaacashada buuga qalinjibinta jaamacadda ,Mushtaaq ayana ku balimasay cafeteria-ga jaamacada ku dhexyaalo maahir.
maahir iyo Mushtaaq ayaana is xaal waraysi kadib,buug difaacashada ka dib.....
Mushtaaq maahiroow wax badan baa kaa danbeyay waqtiga ku haboona waa hada ee makuu sheegaa.
Maahir"maxa waye warka hada haboon ee taleefanka iigu sheegi waysay.
Mushtaaq'ayana biloow ilaa dhamaad ugu sheekaysay inay baratay wiil magaciisuna yahay hanad ,una sii raacisay inay saa,id u jeclaatay.
Maahir"oo caro darteed wejigiisa is bedalay madaxiisana hoos geeyay ayaa kor soo fiirshay isagoo dhoola cadayn beeen ah muujiyay
Mushtaaq"wax ima dhahaysid miyaa
Maahir"oo hadalka dhib ku ah ayana dhahay wiilku miyuu qurux badnaa.
Mushtaaq"hahaha adiga kama qurxoona aniga qurux wax kuma jeclado
Maahir "hye waan tagaya
Mushtaaq"oo sidaan miyad ku tagtay
Maahir"asxaab kala isugaysa iyagan u tagaa.
Mushtaaq"anigana fasalka adaya.
Waxay sheekada socotaba waxaa la gaaray xaflada qalinjibinta ee jamacada .
Mushtaaq"ayaa la hadashay 'hanad' waxay u sheegtay in xafladeeda todobaad kaliya ay ka dhimantahay
Hanad"ayaa u sheegay inuu aaad ugu faraxsanyahay uu ka imanaya mareekanka.
Mushtaaq; ayaana iyaduna faraxday.
hanad: ka dibna guurkena ayaa dhacaya lamane is jecel beynu noqon. Mushtaaq "ayana hanad u sheegtay inuu jiro wiil ay saaxiibo dhow yihiin,kana codsatay markay soo dhawayn doonto inuu soo raaco.hanad aya ku jawabay in caadi ay tahay
Mushtaaq:ayaa wacday maahir waxayna ka codsaray in ay isu raacan airpor-ka si ay u soo dhaweyan hanad
Maahir"marwalba diyaar baan kuu ahay .
Mushtaaq:mahadsanid
Maahir:adaa mudan
Waxaa lagaaray waqtiguu imanlahaa hanad,maahir iyo Mushtaaq ayana isasoo diyariyen,iyagoo hore usoo qaaden flowers ๐น๐น๐ฅ๐ท
maahir;wll Mushtaaq adiga gudaha gal aniga halkan ayan joogaya.
Mushtaaq:maxaa dhacay?
Maahir:waxba ee adiga u tag.
Inayar ka dib diyaradii baa soo degtay daqiiqado ka dib hanad iyo Mushtaaq ayaa is arkeen.
Mushtaaq:ayana indho kaliya ka soo haray waxay aad u fiirinaysa socodkiisa waa socadkii gabdhaha dharka uu wato
cajiib ayayna la noqtay .
Waa kan hanad hi isagoo gacanta haatinaya,waa kan markale u soo dhawaday rabana inuu habsiiyo lkn Mushtaaq ayaa ka diiday una sheegtay inay ajnabi kala yihiin .
Hanad"ayana dhoola cadeeyay una sheegay in goordhow guursandoono.
=====================================
Maahir ;oo gacanta afka ๐คญ usaaran hoosna eegaya,fiirinaya aya wuxuu maqlay codka mushqtaaq.
Mushtaaq:maahir may maqashaa
Maahir :haa
Mushtaaq:hanadow,maahir waa saaxibkeyga sidan hore kugu sheegayba
Hanad:aya gacanta soo taagay๐si ay isu bartaan.