Tuesday, August 6, 2024

Sheeko Jacayl

Tani waa Sheekada
Maahir iyo Mushtaaq 

   Maahir waa wiil qurux badan dabeecad wanaagsna alle siiyay.

Maahir familykiisa waa family noloshooda dhexdhexad ah,maahir jaamacad ayuu dhigtaa waa qof dedaal badan ooo  waxbarashada aad u jecel,intaa kadib jaamacada sanadkan doorasho ayaa ka dhacaysa waxaana la dooranaya gudoomiyaha ardayda jaamacada,waxaana isasoo  sharxay arday badan lkn maahir marabin inuu isasoo sharxo balse saaxiibadiis ayaana ka codsadeen una sheegen ninka kaliya u qalmo in uu yahay ,maahir oo in badan diidmo muujiay ayaa ugu danbayn ogolaaday ardaya markay maqleen in maahir musharax u taagan xilka godoonimada ah aad bay u farxeen waxaana la qabtay doorsho in ardayda codeeyan codeen ka dib ,waxaana ku guulaystay maahir madama uu isaga ahaa qof jaamacada caan ka ah ardaydana ka caawiya dhanka iyo waxbarasha isagoo ardayda ku dhiirageliya inay dedaal farabadan muujiyan , sidaas buu ku noqday godoomiyaha ardayda ee jaamacada.

      Waxaa aalada Facebook ka soo codsadeen arday farabadan  friend request,halkas ayuuna saaxiibo badan  ku helay,ku yeeshay. 


Mushtaaq;waa ardayad dhigata jaamacada baratana( kuliyada caafimadka)mushtaaq  waa gabar illaahey u dhaliyay qurux iyo  xishood una sii dheertahay asturnaan iyo dabeecad wanaagsan ,waxeyna aheyd gabar laga jecel yahay xaafada oo dhan oo farxad badan  dadka qaar ayaa ula kaftama  in atariisho filimanta matasha u egtahay.

Waa gabar degen jecelna SHukulaato๐Ÿซ kalinimada๐Ÿง•,xeebaha๐Ÿšฃ‍♀️,dalxiiska๐Ÿž filimada hororka ๐Ÿผah iyo qurbaha ๐ŸŒ† maru`un inay tagto oo ku noolato.

Saaxiib khaas ah malahan waa kaligeed socod,qunyar socod.

maalin ayaa waxaa dhacday in Maahir uu post soo dhigo Facebook post kaftan ah,asxaab aad u farabadan ayaa comment ka bixiyen,waa halka ay isku barandonan Maahir iyi Mushtaaq. 

Mushtaaq ayaana comment qosol badan ka soo bixisay oo cajiib ah asxaab fara bdan ayaana reply usoo galeen iyagoo  u sheegay inay ku qosleen commentkeda.

    Maahir oo akhrinaya commentiyada aya arkay  mushtaaq qoraalkeda isagoo aad u qoslay ayuuna luuqa fariin ugu  diray wuxuuna hadal ku  bilaabay

Asm kaftanleyda ii waran commentkaaga aad ban ugu qoslay wlhi.

Hal maalin kadib baa loo soo jawaabay waxayna dhahday mhahsaid walaal.

Maahir: walaal

Mushtaaq: hee walaal

Maahir:ma is baran karnaa?

Mushtaaq: haa waynu is barankarnaa godoomiye

Maahir: iyo Mushtaaq halkaas ayay isku barteen.


Maahir iyo mushtaaq aad bay isu fahmeen,maahir ayaa su,aal waydiday Mushtaaq,wuxuna dhahay marwalba kaligaa ban ku arka ee saaxibo maledahay?

Mushtaaq ayana  ku jawabtay inay leheyd saaxib lkn hada aysan lahayn wax saaxiibo ah.

Maahir ayana waydiiyay sababta.

mushtaaq ayana dhahday wax muhiim ah ma ahan ee iska dhaaf

maahir Hmmmm ๐Ÿค” aniga iyo adiga hadaan saaxibo noqono kawaran?

Mushtaaq ayana ku jawabtay in wiil iyo gabar saaxib noqon karin.

Maahir oo sabab aysan u noqon karin

mushtaq ayana ku jawabtay in aysan

qurux badnen in wiil iyo gabar saaxiibo noqdan.

Maahir ayana dhan walba ka soo maray siduu ugu dhaa dhicin lahaa inay saaxiban ugu danbayn wuu ku guulaystay way ka ogolaatay,maahir ayaana u balan qaaday saaxib iyo walaal inuu u noqon dono,wuxuna hadalka u raaciyay inay ku kalsoonato waxna aysan kala qarsan. 


  Kani waa hanad  oo xumaano dhan u saaxib ah  wuxuu ku noolyahay dalka mareekanka isagoo 14 jir ah  ayaa dalka somalia laga waday,wuxu aad u xiiseyaa gabdhaha ku nolool somaliya,maalin isagoo Facebook ka raadinaya gabdho muqdisho  joogan ayuu qeybta add friend isagoo dhaxwareega   si kadis ah {Mushtaaq} ku arkay  wuxuuna aad ula dhacay sawrka profileka saaran cabaar ayuu fiiray kadib profileka ayuu galay  si uu u ogaado wax uun,nasiib daro Mushtaaq waxba masoo post gareyso sawrkeda kaliyaa profileka u saaran,durbadiiba wuu ku darsaday isagoo sugi la,goorta la aqbalaayo codsiga saaxibtinimo. 


Dhanka kale Mushtaaq waxay darentay in maahir uu yahay wiil fiican dabeecad wanagsana leh intay saaxibada ahayena an ku arkin wax xumaan,xad gudub ah,Mushtaaq sanadkan ayaa jaamcada ugu danbeyso waxayna bilowday inay dadaal fara bdan muujiso iyadoo waqtigeeda badanaa ku bixisa wax akhris,maahir ayaa tabay u xiisay ka dibna wacay Mushtaaq .

Maahir" salam calykum

Mushtaaq" wa calykum salam

maahir"ii waran mxaa dhacay adigoo online ah kumaba arkee?

Mushtaaq"waan fiicanahay maahirow wax diyaaris baan galay .

Maahir"soo ma ogid marka aad  diyaarineysid  casharada in internetka kaa caawinkara wax badana ka faa,idaysid.

Mushtaaq"waan ogahay midas lkn inuu waqtiga  iga lumiyo ayan didanahay lkn hada ayan soo galaa.

Maahir"mahadsanid in internetka soo gasho wax badan baad ka faa,idaysaa maanto dhan wax lama akhrin karee

Mushtaaq"adaa mudan maahir.

Mushtaaq",ayaa wax yar kadib soo gashay internetka  iyadoo waxa ka cusub daawanaysa,fiirinaysa ayay waxay aragtay in dad daban ku soo darsaden Facebook,waxay bilowday inay aqbasho dhamaan dadka ku soo darsaday Facebook keeda

wax yar kadib fariin ayaa  loo soo diray 


Hanad"walaal laba isbuuc ka hor baan kugu soo darsaday,lkn wad igu adkeesay.

Mushtaaq"walaal labada asbuuc wan ka maqnaa.

Hanad"dhib malahan walaal see tahay muqdisho  iiga waran wan u xiisee.

Mushtaaq"walaal alxm dhib majiro

Hanad"walaal waxan rabaa inan is barano.

Mushtaaq"so dhawow walaal.

Hanad"walaal wadankii baa u xiisay aniga marekanka ku nolohay .

Mushtaaq"mareekanka miyaad ku nooshay walaal.

Hanad"haa walaal .

Hanad"aniga wadanka qof iima joogo inan imaado waan jeclahay.

Mushtaaq"hadaad timaado,imaado qofku soo dhaweya ma waynesid.

Hanad"haa walaal lkn qof si khaas isoo dhawaya ayan jeclanlahaa.

Hanad"walaal sawrka profileka saaran ma adigaa?

Mushtaaq"haa walaal

Hanad"masha allah aad bad u qurux bdantahy.

Mushtaaq"mahadsannid walaal

Hanad"walaal video call ban kaa  soo wacaya ee iga qabo.

Mushtaaq"maxaa dhacay walaal

Hanad"maya waxba caadi kaliya waxan rabay inaan hubiyo sawrka in ad adiga tahay

Mushtaaq" Qososhay hahahaha๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

Hanad" Qoslay isna hahahaha๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

Hanad"haye caadi ban ku so wacaya ee iga qabo talefanka.

Mushtaaq"haye walaal.

Halkaas ayay sheeko iyo kaftan ku galeen .

Mushtaaq"ayana tiri walaal macasalaama

Hanad"bye

hanad waxuu rabaa inuu o gaado  swrka profileka saaran inay iyada tahay,hanad ayaa feker galay siduu ku kas banlahaa gabadhan,siday ugu kalsoonato inuu wax walba u samayo waxuna  nafsadiisa ka balan qaday inuu sinama ugu haridonin.

================================

Hanad"siduu ku soo xero gelin lahaa ayuu bilabay, mudo bil ku dhawaad ah ayay ku qaadatay inuu fahansiyo hadafkiisana uu yahay wanaag iyo inay si qurux badan isu fahmaan,Mushtaaq ayaa soo dabacday,wuxuu ka codsaday inuu arko rabana video call ka soo waca,Mushtaaq ayana aqbashay 

Waxay sheekada socotaba .

hanad ayana u sheegay inuu ka helay . 


Mushtaaq"ya"

Hanad"haa aniga wan ku jeclaaday .

Mushtaaq"lkn aniga kuma jecli walaal.

Hanad"dhib malahan adigaa fursad uun isii aan kula sheekaysto.

Mushtaaq"hadan furadsad helo

Hanad" Loof u diray❤️๐Ÿ’‹

Mushtaaq"macasalama walaal 


Hanad :wuxuu bilabay in haasaha qaraamiga ee  jacalka ah inuu diro markasto isago darensinaya inuu jecelyahay, waa 2:00  habeenimo  hanad ayaa fariin u diray,wuxuuna dhahay (waan ku jeclahay intaan ka badan ha i silcin){waxaan jeclahay cimrigayga inta ka dhiman inaan kula qaato ) hadalka wuxuu u raaciyay  heeskii {zaynab laba dhagax} 


Inaan laba  nafoodoo 

Isu  nool aduunyada 

Inan nahay  waad ogsoontehee

❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️

Haddii aniga nuurkiyo

Layga jaro naruuradoo

Adna naafac beeshee

๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”

Nabar aniga igu yaal

Adnaa  naafo kugu lehe

๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”

Sideed ii necbaataaaa!!!

Mushtaaq;aya soo dabacday dareentay in  hanad markan jacaylka dhab ka ya hay,waxayna dhahday marlabaad soo dhawoow,aniga marka hore qof xun baan ku malayn jiray .hada inaad daacad tahay waan ogaaday jacaylkaaga waan aqbalay.

Hanad"rag xun way jiraan lkn anigu ragaas kama mid ihi .mahadaanid madama aad i aqbashay.

Sidaa ayayna sheekadoda ku socotay 


Maanta  waa maalinkii koobad  ee difaacashada buuga qalinjibinta  jaamacadda ,Mushtaaq ayana ku balimasay cafeteria-ga jaamacada ku dhexyaalo maahir.

maahir iyo Mushtaaq ayaana is xaal waraysi kadib,buug difaacashada  ka dib..... 

Mushtaaq maahiroow wax badan baa kaa danbeyay  waqtiga ku haboona waa hada ee makuu sheegaa.

Maahir"maxa waye warka hada haboon ee taleefanka iigu sheegi waysay.

Mushtaaq'ayana biloow ilaa dhamaad ugu sheekaysay inay baratay wiil magaciisuna yahay hanad  ,una sii raacisay inay saa,id u jeclaatay. 


Maahir"oo caro darteed wejigiisa is bedalay  madaxiisana hoos geeyay ayaa kor soo fiirshay isagoo dhoola cadayn beeen ah muujiyay 

Mushtaaq"wax ima dhahaysid miyaa 

Maahir"oo hadalka dhib ku ah ayana dhahay wiilku miyuu qurux badnaa.

Mushtaaq"hahaha adiga kama qurxoona aniga qurux wax kuma jeclado

Maahir "hye waan tagaya

Mushtaaq"oo sidaan miyad ku tagtay 

Maahir"asxaab kala isugaysa iyagan u tagaa.

Mushtaaq"anigana fasalka adaya.

Waxay sheekada socotaba waxaa la gaaray xaflada qalinjibinta ee jamacada .

Mushtaaq"ayaa la hadashay 'hanad'  waxay u sheegtay in xafladeeda todobaad  kaliya ay ka dhimantahay

Hanad"ayaa u sheegay inuu aaad ugu faraxsanyahay uu ka imanaya mareekanka.

Mushtaaq; ayaana iyaduna faraxday.

hanad: ka dibna guurkena ayaa dhacaya lamane is jecel beynu noqon. Mushtaaq "ayana hanad u sheegtay inuu jiro wiil ay saaxiibo dhow yihiin,kana codsatay markay soo dhawayn doonto inuu soo raaco.hanad aya ku jawabay in caadi ay tahay 


Mushtaaq:ayaa wacday maahir waxayna ka codsaray in ay isu raacan airpor-ka si ay u soo dhaweyan hanad 

Maahir"marwalba diyaar baan kuu ahay .

Mushtaaq:mahadsanid

Maahir:adaa mudan 


Waxaa lagaaray waqtiguu imanlahaa hanad,maahir iyo Mushtaaq ayana isasoo diyariyen,iyagoo hore usoo qaaden flowers ๐ŸŒน๐ŸŒน๐Ÿฅ€๐ŸŒท 

maahir;wll Mushtaaq adiga gudaha gal aniga halkan ayan joogaya.

Mushtaaq:maxaa dhacay?

Maahir:waxba ee adiga u tag.

Inayar ka dib diyaradii baa soo degtay daqiiqado ka dib hanad iyo Mushtaaq ayaa is arkeen.

Mushtaaq:ayana indho kaliya ka soo haray waxay aad u fiirinaysa socodkiisa  waa socadkii gabdhaha dharka uu wato

cajiib ayayna la noqtay .

Waa kan hanad hi isagoo gacanta haatinaya,waa kan markale u soo dhawaday rabana inuu habsiiyo lkn Mushtaaq ayaa  ka diiday una sheegtay inay ajnabi kala yihiin .

Hanad"ayana dhoola cadeeyay una sheegay in goordhow guursandoono.

=====================================

Maahir ;oo gacanta afka ๐Ÿคญ usaaran  hoosna eegaya,fiirinaya aya wuxuu maqlay codka mushqtaaq.

Mushtaaq:maahir may  maqashaa

Maahir :haa

Mushtaaq:hanadow,maahir waa saaxibkeyga sidan hore kugu sheegayba 

Hanad:aya gacanta soo taagay๐Ÿ‘‹si ay isu bartaan.

No comments:

Post a Comment

Guriga Jinniyada - Qaybta 2aad ๐Ÿ‘ป๐Ÿ”ฅ

Cabdiraxmaan wuu cararay habeenkaas, wuu neefsaday markuu magaalada gaaray. Laakiin xusuusta wixii uu la kulmay way ku dhegtay—codkii sirta ...